Benjamin Mendy oo u soo duulay Mareykanka si uu u dhammeystiro ku biiristiisa Man City

Men

(Los Angeles) 23 Luulyo 2017. Daafaca Monaco Benjamin Mendy ayaa u soo duulay magaalada Los Angeles ee cariga Mareykanka si uu u dhameystiro heshiiska 51-ka milyan uu ugu biirayo kooxda Manchester City.

Mendy ayaa saakay dayuurad u soo raacay America halkaa uu kula midoobi doono saxiibadiisa cusub oo halkaa ka wada kulamada la isugu diyaarinayo kal ciyaareedka cusub.

Xiddiga reer France ayaa soo dhigay baraha bulshada isagoo u soo duulaya LA halkaa uu caawa kula kulmi doono maamulka kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.

Benjamin Mendy makes his way through the terminal to board his flight to LA

Intaa kaddib waxaa la filayaa inuu berito subax tijaabada caafimaad u maro ka hor inta uusan si rasmi ah u dhammeystirin heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan magaalada Manchester.

Wuxuu noqon doonaa daafaca ugu qaalisan kubbada cagta adduunka isagoo hogaanka kala wareegi doona Kyle Walker oo isagu dhawaantan uun ku biiray Man City isagoo kaga yimid Tottenham.

Benjamin Mendy will sign for Manchester City in a £51.6million deal

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close