“Barcelona qaab ciyaareed fiican sooma bandhigi karto la’aanta Neymar” – Valverde

Image result for Valverde vs Juventus

(Barcelona) 23 Luulyo 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay guushii kooxdiisu ay ka gaartay Juventus.

Neymar ayaa xalay guul ku hogaamiyay kooxdiisa Barcelona kadib markii uu u dhaliyay 2-gool, ciyaar ku soo idlaatay 2-1.

Image result for Valverde vs Juventus

Ernesto Valverde oo la hadlay saxaafada ciyaarta kadib ayaa yiri:

“Barcelona sooma bandhigi karto qaab ciyaareed fiican la’aanta Neymar, sifiican ayaan u garanaynaa saamaynta uu ku dhex leeyahay kooxda”.

“Waxaan doonaynaa inaan ku sii hayno kooxda” ayuu sii raaciyay tababare Ernesto Valverde.

Neymar ayaa la filayaa inuu ku biiro isbuucaan dhamaadkiisa kooxda reer France ee PSG taas oo miiska saari doonta lacag dhan 222 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close