Xiliga Neymar uu ku biirayo PSG iyo qiimaha uu ugu dhaqaaqayo oo la ogaaday

Image result for Neymar PSG

(Paris) 22 Luulyo 2017 Neymar ayaa tilaabo uun u jira xirashada funaanada kooxda PSG kadib markii daaha laga rogay waqtiga uu sida rasmiga ah ugu biirayo.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, kooxda PSG ayaa dalab rasmi ah ka gudbin doonta Neymar Isniinta ama talaadada ee isbuucaan.

PSG ayaana miiska saari doonta lacag dhan 200 milyan oo Ginni (222 milyan euro) oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiiska Neymar ee Barcelona.

Laacibka ayaana la filayaa inuu ku biiro PSG arbacada nagu soo aadan, wuxuuna noqonayaa laacibka ugu qaalisan aduunka.

Waxaa la fahsansan yahay in Neymar loo bandhigay mushaar asaasi ah uu ku qaadanayo sanadiiba adduun dhan 30 milyan oo euro waana saddex jibaar inta uu iminka ka qaato Camp Nou, inkastoo 15% dakhliga uu helo wiilka reer Brazil uu qaadan doona aabihii oo ah dulaalkiisa.

Image result for Neymar PSG Shirt

Laacibka ayaa marka uu dhammeystiro heshiiska 222 milyan uu ugu biirayo kooxda reer France ayaa heli doona lacago urjo oo hordhac ah 40 milyan  oo euro.

Waxaa intaa oo dhan ka sii daran in laacibka loo bandhigi doono inuu boqolleey ku lahaan doono dakhliga ka soo baxa hoteelada ay leeyihiin maamulka sare ee naadiga PSG iyo waliba Dayuurad gaar ah oo ugu duulo dalkiisa hooyo markuu doono.

Neymar ayaa haatan kooxdiisa kula sugan Maraykanka xili kooxdu ay isku diyaarinayso kulankooda saaxiibtinimo ee Juventus.

Warar goor hore ka soo baxay France ayaa lagu sheegay in Neymar uu asxaabtiisa Barcelona ku wargaliyay inuu ku sii jeedo kooxda PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close