Real Madrid oo ku dhaw in lacag rikoor ah ay ku soo qaadato Kylian Mbappe

Mbappe Real

(Madrid) 22 Luulyo 2017 Kooxda Real Madrid ayaa aad ugu sii dhawaanaysa inay qiimo qaali ah ku soo qaadato weerar yahanka reer France.

The Sun ayaa baahisay in kooxda Real Madrid ay kula heshiisay Monaco in Kylian Mbappe ay kula wareegto lacag dhan 120 milyan oo Ginni.

Wararka ayaa intaa ku daraya in madaxwaynaha Real uu wadahadalo la bilaabay laacibka mudo haatan laga joogo bil.

Real Madrid ayaa haatan u sii dhawaanaysa inay hesho Kylian Mbappe labada isbuuc ee soo socota kadib markii kooxdu ay heshay 91.5 milyan Ginni oo ah lacago ay ka heshay ciyaartoydii ay iibisay suuqa xaggaagan.

Kooxda reer Spain ayaana u soo bandhigtay Kylian Mbappe mushaar ka badan kan haatan uu ka qaato kooxdiisa Monaco.

Warkaan ayaa imaanaya xili kooxda Monaco ay khamiistii soo saartay bayaan ay ku sheegayso inay FIFA ku dacwaynayso dhamaan kooxaha la xaajoonaya Mbappe ogaal la’aantooda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close