Leonardo Bonucci oo markii ugu horreeysay ka hadlay sababtii uu uga soo tegey Juventus

(Shenzhen) 22 Luulyo 2017 – Gaashaanka Leonardo Bonucci ayaa difaacey go’aankii uu ku tegey kooxda Milan – “Isuma arko khaa’in ama calooshiis u shaqayste” ayuu yiri.

Dambeedkan ayaa si lala yaabo horraantii bishan ugu wareegey kooxda Rossoneri, isagoo Torino ka xirxirtey kaddib 7 fasal-ciyaareed isagoo lagu iibsadey €42m oo euro.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Talyaani ayaa maanta waraysi dheer siiyay warsidaha  Gazzetta dello Sport, isagoo sharraxaad ka bixiyay waxyaabo badan, gaar ahaan sababta ugu wayn ee uga tegey Juve.

“Noloshu waxay ka samaysan tahay meertooyin furma oo xirma,” ayuu Bonucci ku yiri waraysiga oo laga qaaday xalaytoole.

“Marka aad koox ka tirsanaato 7 sanadood, waxaad rajaysaa inaad ka tagto wax qurux badan. Qaybtii dambe ee fasal-ciyaareedkii tegey waxaa mar qura lumey dabarkii isku kaaya hayey, deetana waxaannu wada go’aansannay inaan kala waydaaranno.” ayuu ku sababeeyay tegistiisa.

b

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close