Ernesto Valverde oo ka hadlay mustaqbalka Neymar ee Barcelona

Image result for valverde and Neymar

(Barcelona) 22 Luulyo 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay mustaqbalka Neymar ee kooxda reer Spain.

Ernesto Valverde oo kulankiisa ugu horeeya wajihi doona Juventus ayaa sheegay in Neymar uu sii joogi doono Barcelona.

Maalmihii u danbeeyay ayaa la baahiyay in Neymar uu doonayo inuu ka tago Barcelona isla markaana uu ku biiro kooxda PSG oo lacago farabadan ula taagan.

“Neymar waa uu nala sii joogi doonaa, dhab ahaantii anaguna waxaan doonaynaa inuu nala sii joogo, wixii intaas ka soo hara waa been abuur, waxaa la joogaa xiligii warar suuqeedka” ayuu yiri Ernesto Valverde.

“Waxaan ka hadalnay arimo kale sida qorshaha kooxda, Neymar waa laacib aan jecelnahay, waxaanan doonaynaa inuu ka sii mid ahaado kooxdeena”.

“Arinku ma ahan kaliya mid xiriir la leh kubadda cagta ee sidoo kale waa waxa laacibku uu ka sameeyo qolka labiska”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close