Chelsea oo ku soo laabatay xiisaha Antonio Candreva

Image result for Antonio Candreva chelsea

(London) 22 Luulyo 2017 Kooxda Chelsea ayaa dib ugu soo laabatay xiisaha saxiixa laacibka Inter Milan ee Antonio Candreva.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in tababare Antonio Conte uu u dhaqaaqi doono soo xerogalinta Antonio Candreva kadib saxiixyadii Bakayoko iyo Morata.

Tababare Conte ayaa doonaya inuu helo laacib garabka midig kula dagaalama Victor Moses, kaas oo ciyaar wanaag soo bandhigay xiliciyaareedkii hore.

Chelsea ayaa ku guul daraysatay saxiixa Antonio Candreva suuqii janaayo, balse Conte ayaa markaan kalsooni ku qaba inuu heli karo laacibka reer talyaani.

Inter ayaa isku dayeeysa inay iska fasaxdo Antonio Candreva kaas oo haatan da’diisu tahay 30 jir si kooxdu ay u sii haysato Ivan Perisic oo looga gacan haatinayo Old Trafford.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close