“Waxaan sugayaa saxiixyo kale oo cusub.”. Jose Mourinho

jo

(Houston) 21 Luulyo 2017. Jose Mourinho ayaa dhararaya saxiixyo cusub oo kooxda lagu soo kordhiyo inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Dhammaadka kal ciyaareedkii hore macallinka reer Portugal ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayo ugu yaraan afar laacib oo cusub laakiin kooxda ka arrimisa Old Trafford ayaa ilaa iminka la soo wareegtay Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof oo qura.

Red Devils ayaa aad lala xiriirinayay laacibka garabka kaga ciyaara Inter Milan Ivan Perisic, xiddigaha qadka dhexe ee Tottenham iyo Chelsea Eric Dier iyo Nemanja Matic, laakiin daafaca PSG ee Serge Aurier ayaa iminka u muuqda mid aysan heli Karin kooxda Jose Mourinho.

Jose oo suuqa wax laga waydiiyay kaddib kulankii Man City ee saakay aroortii ayaa ku jawaabay:

“Ma garanayo, magaranayo, ma ihi ninka howshaas gacanta ku haya, sumacada inay halkan joogaan Lukaku iyo Lindelof aniga ma lihi, waxaa leh Ed Woodward waana uga mahad celinaya shaqadaasi cajiibka ah inuu noo keenay labo ciyaartoy oo aad u muhiim ah.

“Laakiin waxaan u baahanahay saxiixyo kale oo yar marka aad aragto kooxaha kale ee Premier Leaugue, sida ay ciyaartoyda u helayan, ciyaartoy fiican, waadna aragtaa kooxda xafidaneysa horyaalka saddex ciyaartoy ay soo iibsatay, ciyaartoy khibrad leh.

“Man City iyo Liverpool waxay aadeen suuqa, West Ham waxay heshay Joe Hart, Chicharito [Javier Hernandez] iyo [Marko] Arnautovic, West Ham waxay iminka u ciyaarayaan inay ku guuleystaan Premier League, sidaa darteed kooxaha cajiib ayay ku yihiin suuqa aniguna waxaan sugayaa saxiixyo kale.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close