Man City oo qarka u saaran dhamaystirka saxiixa Benjamin Mendy

(Manchester) 21 Luulyo 2017 Kooxda Man City ayaa gabo gabo marsiinaysa dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Monaco ee Benjamin Mendy.

City ayaa lala xiriirinayay 23 jirkaan tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, waxayna haatan tilaabo u jiraan inay heshiis lagaaraan kooxda reer France.

L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in wadahadalada labada dhinac ay halkooda ka sii socdeen xalay, waxaana suurogal ah in heshiiska la dhamaystiro goor dambe oo maanta ah.

Monaco ayaa ka doonaysa Man City inay miiska soo saarto lacag dhan 50 milyan oo Ginni, waana qiimihii ay horay ugu qaadatay Walker oo ay xaggaagan kala wareegeen Tottenham.

Heshiiska ayaana la filayaa inuu ku soo dhamaado 50 milyan oo Ginni, taas oo kor u sii qaadi doonta lacagaha uu qarash gareeyay Pep Guardiola xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close