Bakayoko oo Chelsea ku soo dhaweeyay Alvaro Morata

ssssssss

(London) 21 Luulyo 2017. Saxiixa dhawaan galka ah ee Chelsea Tiemoue Bakayoko ayaa Blues ku soo dhaweeyay Alvaro Morata ka hor inta uusan si rasmi ah u dhammeystirin heshiiska uu Stamford Bridge si buuxda ugu cago dhiganayo.

Morata ayaa shalay soo gaaray Chelsea, waxaa lagu wadaa inuu dhammeystiro inta ka harsan heshiiska kooxdiisa cusub sida heshiiska shaqsi ahaaneed iyo inuu tijaabada caafimaad u maro.

Laacibkii hore ee qadka dhexe naadiga Monaco oo isagu dhawaan uun ku soo biiray kooxda ka dhisan London ayaa soo dhigay boggiisa Instagram sawir ay iskula jiraa isaga iyo Morata.

Wuxuu soo raaciyay qoraal u dhacayay: “Weclome/Soo dhowoow”. Wuxuuna raaciyay calaamado bluug ah oo cadeynaya midabada Chelsea.

Bakayoka iyo Hazard ayaa iyagu la safrin Chelsea waxayna ku sugan yihiin London halkaa oo ay uga shaqeynayaan taam ahaan shahooda kal ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close