”Waxaan halkan u imid inaan bog cusub oo taariikheed la qoro AC Milan” – Bonucci oo taageerayaasha kala hadlay Instagram.

(Guangzhou) 20 Luulyo 2017 – Leonardo Bonucci ayaa sheegay inuu diyaar u yahay “inuu qoro bog cusub oo taariikhda Milan iyo waayihiisa ciyaareed ah” isagoo ka dhawaajiyay in Rossoneri “ay baahi wayn u qabto inay guulaysato”.

Kooxda Milan ayaa maanta ku dhawaaqday inay rasmiyaysay iibka Bonucci, 6 maalmood kaddib markii uu kusoo biiray kooxda Milan oo uu si lama filaan ah uga soo biiray dhanka Juventus isagoo ka hadlay sida uu ula dhacsan yahay halyeeyadii soo maray kooxda Milan gaar ahaan dhanka daafaca, isagoo hoosta ka xarriiqay hamigiisa ah inuu Milan kula soo laabto figta sare ee Yurub.

“Marka aad ka fikirto AC Milan, waxaad si dabiici ah u xusuusanaysaa taariikhda kooxda, horyaalladii soo xirtey funaanadda kooxda,” ayuu ku bilaabay war uu kusoo qoray Instagram.

“Waxaan ka fikirayaa Baresi, Costacurta, Maldini, Nesta, Tassotti. Waan u riyaaqaa wixii ay kubadda iyo naadiganba kusoo biiriyeen. Waa halyeeyo.

“Waxaan maanta u imanayaa inaan Rossoneri iyo waayeheeygaba u qoro bog cusub oo taariikheed.

“Hadda uu hardanku bilaabmayaa, tacabbur cusub oo aan la bilaabayo saaxiibaday kuwaasoo, sida aniga, aad ugu baahan inay guulaystaan.

“Waxaan u mahad celin lahaa kooxda oo idil, maareeyaha guud ee Fassone, maareeyaha isboortiga ee Mirabelli iyo Mr. Montella, oo si xooggan ii taageeray isla markaana dhextaal iiga dhigay mashruucan cusub ee ballaaran.

“Waxay taageerayaashu igu salaameen kalgacayl iyo diirranaan taasina waxay i gelinaysaa inaan aad u dadaalo, inaan la shaqeeyo kooxda inteeda kale, si aannu hubaal uga dhigno inuu xiisuhu sii socdo isla markaana aan bislaanno inta uu fasal-ciyaareedka lagu jiro, jeer aannu ka shaqaynayno sidii aannu u guulaysan lahayn oo aannu AC Milan ugu soo celin lahayn figta sare ee ciyaaraha Talyaaniga iyo Yurub.”

“Hadda ayaannu bilaabaynaa. Wada jirna waannu ku awoodnaa. #HungrierThanEver.”

Quando pensi al Milan, vieni subito attratto dalla sua storia, da quella dei campioni che hanno vestito la sua maglia. Penso a Baresi, Costacurta, Maldini, Nesta, Tassotti. Li ammiro per quello che hanno dato al calcio e a questo Club. Loro sono nella leggenda, Io arrivo oggi, per iniziare a scrivere una nuova pagina della storia rossonera e della mia carriera. Inizia una nuova sfida, una nuova avventura assieme a compagni che come me hanno tanta fame e voglia di vincere. Ringrazio la Società tutta, il Direttore Fassone, il DS Mirabelli e il Mister che mi hanno voluto fortemente e fatto sentire importante e al centro di questo progetto ambizioso. Sono stato accolto con un affetto e un calore smisurato da parte dei tifosi rossoneri e per questo mi impegnerò, insieme ai miei compagni, per far sì che questo entusiasmo continui e si alimenti durante la stagione, attraverso le vittorie e la voglia da parte di tutti di riportare il Milan ai vertici italiani ed europei, a cominciare dalla prossima gara. Uniti si può. #HungrierThanEver #LB19 #AcMilan #NewSeason – When you think of AC Milan, you naturally think of the team’s history, of all those champions who have worn the famous team colours. I think of Baresi, Costacurta, Maldini, Nesta, Tassotti. I admire them for what they have given to football and this Club. They are legends. I arrive today to start writing a new page in the Rossoneri history and in my career. The challenge begins now, a new adventure starts today together with comrades who, like me, are so hungry to win. I would like to thank the entire team, Director Fassone, DS Mirabelli and Mr. Montella, who have all strongly supported me and made me feel so central to this ambitious new plan. I have been greeted with affection and warmth from the fans and that makes me committed to work hard, together with the rest of the team, to make sure this enthusiasm continues and grows during the season as we work towards winning and bringing AC Milan back to the heights of the Italian and European tournaments. We start now. Together we can. #HungrierThanEver #LB19 #AcMilan #NewSeason

A post shared by Leonardo Bonucci (@bonuccileo19) on

Untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close