Unai Emery oo ka hadlay wararka Neymar la xiriirinaya PSG

Image result for Unai Emery and Neymar

(Paris) 20 Luulyo 2017 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya laacibka Barcelona ee Neymar.

Unai Emery ayaa sii shiday wararka Neymar la xiriirinaya kooxdiisa kadib markii uu sheegay in kooxdiisu ay doonayso ciyaartoyda ugu fiican aduunka ee u ciyaara kooxaha ugu fiican.

Image result for Unai Emery and Neymar

Emery ayaa intaa ku daray in kooxdiisu ay isku dayeeyso inay la wareegto mid kamid ah 5-ta laacib ee ugu fiican aduunka, Neymar ayeeyna haatan diiradu saarantahay.

“Haddii aan doonayno inaan la tartano Bayern Munich, Barcelona iyo Real Madrid waa inaan shaxdeena ku soo darnaa mid kamid ah 5-ta laacib ee ugu fiican aduunka, waxaan ku dadaalaynaa sidii midkood aan ula wareegi lahayn suuqa xaggaagan” ayuu u sheegay L’Equipe.

PSG ayaa diyaar u ah in Neymar ay ku dalbato aduun dhan 222 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close