Thiago Alcantara oo dhaawac uga baxay tababarka Bayern Munich

ألكانتارا يغادر معسكر بايرن بسبب الإصابة

(Munich) 20 Luulyo 2017 Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa war naxdin leh kadib markii uu tababarka ka baxay laacibkooda Thiago Alcantara.

Laacib kaan ayaa isaga tagay tababarka Bayern Munich kadib markii uu soo gaaray dhaawac, waxaana la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Munich si uu halkaas uga soo kabsado dhaawaca.

Thiago Alcantara ayaa qayb ka ahaa ciyaartoyda Bayern ee haatan fasaxa ku jooga dalka Shiinaha, tababare Ancelotti ayaana u ogolaaday laacibka reer Spain inuu dib ugu laabto Jarmalka.

“Waxaan qaadanay go’aanka kadib fasax aan ka helnay waaxda caafimaadka, waxaa u fiican Thiago Alcantara inuu dib ugu laabto Munich si uu loo daaweeyo” ayuu yiri tababare Ancelotti.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close