RASMI: Leonardo Bonucci oo ku biiray kooxda AC Milan + Sawirro

(Guangzhou) 20 Luulyo 2017 – AC Milan ayaa si rasmi ah u xaqiijisey in ay la saxiixatay daafaca Leonardo Bonucci oo ay kasoo qaateen kooxda Juventus lana joogaya ilaa 2022.

Dambeedkan dhexe ayaa Kooxda Rossoneri kusoo biiray todobaadkii tegey, markaasoo ay labada kooxiba ku dhawaaqeen heshiiska oo tijaabada caafimaada caafimaadka u rahmayaa.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Talyaani ayaa durba kooxdiisa cusub kula biiray dalka Shiinaha oo ay u joogto ciyaaraha kal-horaadka ee ICC, sidaa darteed waxaa kaliya harsanayd in heshiiska la rasmiyeeyo.

“AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa laacibka Leonardo Bonucci oo ay kasoo qaateen Juventus FC, kaasoo la joogaya ilaa iyo 30-ka Juunyo 2022,” ayaa ku qoran webka rasmiga ah ee Milan.

Juve ayaa iyadu horay u xaqiijisey inuu laacibku kaga tegey €42m oo euro oo la kala bixinayo 3 sanadood.

Kooxda AC Milan ayaa saaka tababarkii ugu dambeeyay ku sameeysay magaalada Guangzhou iyadoo berri u baqoolaysa magaalada Shenzhen oo ay Sabtiga kula ballansan tahay kooxda Bayern Munich.

#welcomeBonucci! Benvenuto @bonuccileo19! 🔴⚫ #weareacmilan

A post shared by AC Milan (@acmilan) on

Halkan HOOSE ka DAAWO….

b b1 b2 b4 b5 b6

b b b1 b2 b3 b5 b6 b7 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close