Ramos iyo Isco oo si aan caadi ahayn u macsalaameeyay Alvaro Morata

ra

(Los Angeles) 20 Luulyo 2017. Waxaa la helay sawirro iyadoo uu Alvaro Morata macsalaameynayo kooxda Real Madrid oo ugu horreeyo tababare Zidane ka hor inta uusan maanta u soo duulin London si uu tijaabada caafimaad ugu maro Chelsea.

Kabtanka Real Madrid iyo waliba xiddiga qadka dhexe ee weerarka ka duula ee Isco ayaa si maxabo ku dheehan tahay u macsalaameeyay saaxiibkooda Morata.

“Morata, waxaan kuu rajeynayaa nasiibka yaala adduunka dhan,” Ramos ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa Twitter ka.

Wuxuu intaa raaciyay: “Ku raaxeyso talaabadaada xigta siina wad inaad dhaliso goolasha ugu badan aad sameyso. Waan kuu xiisi doonaa.”.

Isco oo isna Istagram ku macsalaameeyay saaxiibkii ayaa soo qoray:

“Walaalkey waad tageysaa iminka….. si aad ah ayaan kuugu xiisi doonaa, waxaan rajeynayaa inaad faraxsan tahay aadna hesho wax kasta oo kuu qalma. Waan ku jecelahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close