“Iiga waran Chelsea waa sidee?.”. Morata oo talo ku aadan kooxdiisa cusub waydiiyay Fernando Torres

fer

(London) 20 Luulyo 2017. Alvaro Morata ayaa maanta soo gaaray magaalada London si uu u dhammeystiro inta uga harsan heshiiska uu ugu biirayo Chelsea isla markaana ugu marayo tijaabada caafimaad.

Dhaliyaha reer Spain ayaa qiray inuu talo ku aadan Blues waydiistay xiddiga ay dhalashada wadaagaan isla markaana waqtiga ku soo qaatay Stamford Bridge ee Fernando Torres.

Mar da’yarka wax laga waydiiyay inuu la hadlay mid uun oo ka mid ah saaxiibadiisa Spain ayaa waxa uu magac dhabay flolp kii hore ee Chelsea Fernando Torres.

Related image

“Waxaan la hadlay Fernando Torres, kaa oo ii sheegay inuu caawin iga siin doono wax kasta oo aan u baahdo,” 24-jirka ayaa sidaa u sheegay SkySports.

“Si adag ayaan u tababaranayay natiijo kasta, laakiin waan caddeeyay inay tani tahay yoolkeyga.

“Waa murugo inaan ka soo tago Real Madrid, laakiin waxaan rajeynayaa in wax kasta si fiican iigu socdaan Chelsea.”.

Torres ayaa 20 gool oo qura u dhaliyay Chelsea 110 kulan uu u saftay kaddib markii uu lacagihii ugu qaalisanaa ugu yimid kooxda reer London kolkaa oo laga soo iibiyay Liverpool.

Laakiin laacibka ayaa Chelsea kula guuleystay Champions League, FA Cup iyo Europa League afar sano uu ku sugnaa qalcada Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close