Barcelona oo xoojisay doonista Mbappe

HAAS

(New York) 20 Luulyo 2017. Barcelona waxa ay qorsheneysaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka AS Monoco ee Kylian Mbappe, sidaas waxaa qortay Daily Mail.

Kooxda ka dhisan gegida Camp Nou waxa ay ka gaashamaneysaa suurtagalnimada uu Neymar ugu biiri karo Paris Saint – Germain iyaga oo doonaya in ay u adeegsadaan dhaqaalaha ka soo gala Brazilian-ka la soo wareegidda Mbappe.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo xoogeysanayey xanta Neymar la xiriirineysa PSG taas oo dhaawici karta duullaanka caanka ah ee MSN.

Wali ma cadda in uu mira dhal noqon doono heshiiskaas taariikhiga ah halka Neymar uu New York la gaaray Barcelona oo halkaa ka bilaabi doonta u diyaar garowga ololaha soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close