Alvaro Morata oo soo gaaray London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Chelsea

(London) 20 Luulyo 2017 Weerar yahankii kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata ayaa ka soo dagay caasimada ingiriiska si uu ugu biiro kooxda Chelsea.

Chelsea iyo Real Madrid ayaa xalay ku dhawaaqay inay kawada heshiiyeen qiimaha laacibka, waxayna isku afgarteen lacag dhan 80 milyan oo euro.

Alvaro Morata ayaa haatan ka soo dagay London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda tababare Antonio Conte.

“Chelsea waa kooxda ugu fiican, waan ku faraxsanahay inaan la shaqeeyo Conte” ayuu yiri Alvaro Morata isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada London.

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close