Muuqbaahiyaha qura ee tebin doona MANCHESTER DERBY iyo jamaahiirta Sky Blue oo ka xanaaqay!

City1

(Houston) 19 Luulyo 2017. Labada kooxood ee Manchester ku xifaaltama waxa ay isku wajihi doonaan Houston.

Waa kulankii ugu horreeyey ee ay City ku ciyaarto kulamada iminka loogu diyaar garoobayo xilli ciyaareedka soo socda halka uu yahay kii saddexaad ee United.

Mareegaha rasmiga ah ee kooxda waxa uu sheegay in taageereyaasha dunida oo dhan ay daawan doonaan kulankan 21-ka Luulyo marka ay saacadda UK tahay 2:30 subaxnimo halka ay bariga Africa tahay 4:30am ee habeenimo.

Hase ahaatee,waxa ay sheegeen halka qura ee ay taageereyaasha UK iyo Ireland ka dheehan karaan ay tahay muuqbaahiyaha Red Devils ee MUTV.

Taas waxa ay ka careysiisay kuwa City oo qaarkood ku falceliyey!

Unicity

“Markaa meesha qura ee aan ka daawan karno waa MUTV?

Mid kale ayaa yiri: “Waa sida TV hawada ka maqan!

Arintan ma aha mid farxad galisay taageereyaasha City oo la yaabay waxa wacay in aan laga baahin CityTV.

Kulankani waxa uu noqon doonaa kii abid ugu horreeyey ee ay kooxaha Manchester isku arkaan goob ka baxsan England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close