Suuqa kala iibsiga horyaalka La Liga oo hal maalin ka dambeyn doona kuwa Premier League, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1

suu

(Europe) 18 Luulyo 2017. Suuqa kala  iibsiga ciyaartoyda ee horyaalada, Premier League ee dalka Ingiriiska, Serie A-da Talyaaniga, Budesliga dalka Jarmalka iyo midka Faransiiska ee Ligue 1 ayaa dhammaan wada xirmi doona 31 bisha August laakiin La Liga ayaa maalin dheeri ah helay.

Horyaalka Spain ayaa xirmi doona 1-da bisha September taa oo micnaheedu yahay inuu heysto fursad 24 saacadood oo dheeri ah oo uu ciyaartooy ka soo iibsan karo dibbada iyo dalka gudihiisa.

Laakiin horyaalada kale ee kor lagu soo xusay ayaan wax ciyaartooy ah soo iibsan Karin muddada dheeriga ah ee la siiyay midka La Liga.

Suuqa jiilaalka ee isna soo socda ayaa horyaalada dhammaan waxay furmi doonaan 1-da Janaayo halka ay wada xirmi doonaa 31-da isla bisha Janaayo marka laga reebo horyaalka Serie A ee Talyaaniga kaa oo isagu furmi doona maalin kaddib horyaalada kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close