AC MILAN VS BORUSSIA DORTMUND: Shaxda & safafka laga yaabo inay duhurkan kusoo galaan!

(Guangzhou) 18 Luulyo 2017 – Kooxda Milan ayaa ka hor inta aysan u xaydxaydan koobka kale waxay la ciyaaraysaa Borussia Dortmund oo fasalkan ciyaaraysa Champions League halka Milan ay kusoo laabanayso Yurub, balse waa koobka 2-aad ee Europa League.

Ciyaartan ayaa maanta duhurkii saacadda Afrikada bari marka ay tahay 2:20 daqiiqo ka bilaabmaysa Guangzhou oo ku taalla Shiinaha, waxayna kooxda Vincenzo Montella, doonaysaa inay bal wax uun ka ogaato tabarteeda kaddib markii ay kulankii 1-aad ay 4-0 ku tuntan kooxda Swiss-ka ah ee Lugano.

Dhanka Borussia macallinka cusub ee Peter Bosz, oo ka yimid Ajax, ayaa dareensan inuu haysto wax kasta oo uu kusoo saari karo kal-ciyaareed guuleed. Haddaba hoos ka eeg shaxaha laga yaabo ee labada naadi, waloow laga yaabo inuu Milan ka maqnaado Riccardo Montolivo oo dhaawac ka sheeganaya.

Untitled

b1

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close