AC Milan oo €47m ku raadinaysa Renato Sanches

(Munich) 15 Luulyo 2017 – Warar ka imanaya dhanka Portuguese-ka ayaa sheegaya in AC Milan ay doonayso Renato Sanches oo ay ku doonayso amaah 2 sano ah oo ku kacaysa €47m oo siinayso Bayern Munich.

Sida ku dhigan warsidaha Record, kooxda Rossoneri ayaa doonaysa inay laacibka ku hesho amaah 2 sanaale ah oo ay sanadka hore ku bixinaysa €7m iyadoo deeto 2019 laacibka ka bixinaysa €40m.

Laacibkan oo khadka dhexe ka dheela ayaa 20 jirsanaya bisha soo aaddan waana ku adkaatay inuu kasoo boxo rajadii taageerayaasha maaddaama xagaagii tegey Benfica laga soo siiyay €35m.

Laacibka ayaa fasalkii tegey saftay 25 kulan, balse goolna ma dhalin mana dhigin. Renato Sanches ayaa ka tirsanaa xulkii Portugal ee hantay Euro 2016.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close