RASMI: Leonardo Bonucc oo ku biiray kooxda AC Milan + Sawirro

(Milano) 14 Luulyo 2017 – AC Milan ayaa si rasmi ah ula wareegtey dambeedkii hore ee Juventus ee Leonardo Bonucci oo ay kusoo iibsatey €42m, iyadoo ay weli u harsan tahay qaybtii waynayd ee tijaabada caafimaadku.

Kaddib markii uu warkani soo boodey galabnimadii Arbacada waxay wax kasta kusoo afjarmeen 3 maalmood, iyadoo uu laacibkani heshiis 5 sano ah la galay kooxda Rossoneri kaasoo ku eg 30-ka Juun 2022.

“AC Milan ayaa waxay Juventus FC heshiis kala gaartey Leonardo Bonucci, oo ay u rahman tahay tijaabada caafimaadku, taasoo haddii uu ku baaso uu saxiixayo qandaraas 5 sanadood ah,” ayaa lagu yiri war Milan kasoo baxay.

Juventus ayaa jeebka ku shubanaysa €42m oo loo bixinayo 3 qaybood, iyadoo ay wararku sheegayaan in Bonucci noqonayo laacibka ugu mushaharka badan Talyaaniga maaddaama uu qaadan doono 10 milyan oo euro oo kala ah €8m iyo €2m oo bareemiyo ah, isagoo dhaafaya laacibka ugu qaalisan Serie A, ee Gonzalo Higuain oo kasbada €7.5m oo nadiif ah.

30-jirkan ayaa Old Lady kusoo biiray 2010 oo ay €15.5m ugasoo qaateen Genoa iyo Bari oo isla lahaa milkiyadda laacibka.

Bonucci oo kusoo baxay da’yarta Inter Milan ayaa noqonaya laacibkii 9-aad ee isu mara dhamaanba 3-da kooxood ee ugu waawayn Talyaaniga ee Milan, Inter iyo Juve.

b

b

m5 m6

Foto LaPresse - Spada 14 Luglio 2017 - Milano (Italia) - A.C. Milan - Ritiro estivo stagione 2017-2018 Casa Milan - L'arrivo del nuovo acquisto Leonardo Bonucci Sport Calcio Nella foto: Marco Fassone , Leonardo Bonucci Photo LaPresse - Spada July 14, 2017 Milan (Italy) Sport Soccer A.C. Milan - Training camp season 2017-2018 Casa Milan - The arrival of Leonardo Bonucci In the pic: Marco Fassone Leonardo Bonucci
Foto LaPresse – Spada
14 Luglio 2017 – Milano (Italia) –
A.C. Milan – Ritiro estivo stagione 2017-2018
Casa Milan – L’arrivo del nuovo acquisto Leonardo Bonucci
Sport Calcio
Nella foto: Marco Fassone , Leonardo Bonucci
Photo LaPresse – Spada
July 14, 2017 Milan (Italy)
Sport Soccer
A.C. Milan – Training camp season 2017-2018
Casa Milan – The arrival of Leonardo Bonucci
In the pic: Marco Fassone Leonardo Bonucci

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close