Kooxda ay AC Milan la ciyaarayso isreebreeb-horaadka EL oo la shaaciyay

(Nyon) 14 Luulyo 2017 – AC Milan ayaa ku aaddey kooxda CSU Craiova oo ay la ciyaarayso isreebreebka wareeg horaadka 3-aad ee Europa League.

Kooxda Rossoneri ayaa 6-aad ka gashay horyaalka Talyaaniga ee Serie A, taasoo ka dhigan inay isreebreeb-horaad ciyaarto si ay u gaarto wareegga guruubyada EL.

Isku aadka wareeggan ayaa maanta lagu sameeyay xarunta UEFA ee Nyon, iyadoo ay kooxda Montella ku aaddey kooxda Romania ee Craiova.

Lugta hore ayaa lagu hor mari doonaa Romania 27-ka bishan Luulyo, halka lugta 2-aad ay Sansiro ku qabsoomayso todobaad kaddib 3-da Agoosto, waloow ay wax is bedeli karaan.

Milan ayaa maanta u duulaysa Shiinaha oo ay kula soo ciyaari doonto Borussia Dortmund iyo Bayern Munich, kahor inta aanay u xayd xaydan tartamada Yurub oo ay kusoo noqotay kaddib 3 sano.

AC Milan ayaa abidkeed ka qayb qaadanin koobkan tan iyo markii uu qaatay magaca UEFA Europa League, iyadoo ay ugu dambaysay UEFA Cup, oo ay ka qayb qaadatay 2008/09.

b

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close