DEG DEG: Lucas Biglia oo kasoo degey Linate si uu berri caafimaadka ugu maro AC Milan + Sawirro & Muuqaal

(Milano) 15 Luulyo 2017 – Lucas Biglia ayaa ayaa kasoo degey gegada Linate ee magaalada Milano iyadoo lagu wado inuu berri caafimaadka u maro kooxda AC Milan.

Laacibkan 31-jirka ah ee khadka dhexe uga dheeli jirey Lazio ayaa waxaa garoonka Linate kusoo dhoweeyay taageerayaal xamaasadaysan oo xilligan saqda dhexe ah garoonka ku sugayay.

#Biglia allo sbarco a Linate travolto (letteralmente) dall’entusiasmo dei tifosi: “Sono felice, felice” (via @pmazzara8)

A post shared by MilanNews.it (@milannewsitofficial) on

 

Wakiillada Rossoneri ayaa ku guulaystay inay gaari ku ritaan oo la cararaan, isagoo la dejiyay hoteelka Westin Palace Hotel, wuxuuna ku yimid €17m iyo €3m oo ah bareemiyo bandhigga la xiriirta.

Biglia iyo Leonardo Bonucci ayaa lagu wadaa inay berri oo Sabti ah caafimaadka wada maraan marka ay saacaddu tahay 07.30am xilliga maxalliga ah, iyadoo hal hoteel wada jooga.

”Waa faraxsanahay waana qanacsan ahay” ayuu Biglia war ka yiri markii uu soo gelayay hoteelka.

I cori dei tifosi del @acmilan a Linate in attesa di Lucas Biglia (via @pmazzara8)

A post shared by MilanNews.it (@milannewsitofficial) on

b b b1 b3

b

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close