DEG DEG: Cengiz Ünder oo soo degey berrina caafimaadka u maraya AS Roma + Sawirro

(Roma) 14 Luulyo 2017 – Laacibka caalamiga ah ee reer Turkey ee Cengiz Under ayaa kasoo degey Roma si uu caafimaadka ugu maro kooxdaasi isagoo leh. “Waan faraxsanahay, tacabur cusub baa ii bilaabmaya.”

Laacibkan hal abuurka iyo hibada leh ayaa fiidkan kasoo degey gegada Fiumicino isagoo uu garab socdo wakiilkiisu.

Roma ayaa lagu wadaa inay bixiso €15m oo ay siinayso xiddig-yaraha Basaksehir, taasoo lagu daray 20 boqolkiiba iib kasta oo mustaqbalka ah.

“Waan faraxsan ahay, waxaa ii bilaabmaya waayo cusub. Forza Roma!,” ayuu warfidiyeenka war gaaban ugu gudbiyay isagoo maanta jirsadey sanadkiisii 20aad.

Cengiz ayaa berri caafimaadka ku mari doona Villa Stuart.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close