AC Milan oo loo bandhigay Leonardo Bonucci

(Milano) 13 Luulyo 2017 – Kooxda AC Milan ayaa la sheegayaa inay doonayso daafaca Juventus ee Leonardo Bonucci, sida ay soo tebinayaan ilo dhowr ihi iyadoo ay Rossoneri la hadashay wakiilka Alessandro Lucci kaasoo ay waydiiyeen inuu laacibku xiiseynayo inuu usoo wareego San Siro isagoo sheegay inuu iib yahay.

Yeelkeede, labada naadi ee Juve-Milan ayaan wax wada hadal ihi dhex marin waloow uu maamulka Juve gaar ahaan Peppe Marotta uu horay ugu sheegay Sky Sport Italia inaanay laacibna ka celin doonin xaqa uu u leeyahay inuu tago haddii uu sidaa doonayo.

Si kastabase, Bonucci ayaa haddii uu Bianconeri ka tegayo waxaa loo badinayay dhanka Ingiriiska sida Chelsea ama Manchester City, balse laacibka iyo qoyskiisa ayaa la sheegayaa inaysan doonayn inay ka baxaan Talyaaniga, iyadoo uu wakiilkiisu yiri: ”Waxaan raadinaynaa cid iibsata”.

Wardisayaasha Sky Sport Italia, Sportitalia, Mediaset Premium iyo in kale ayaa markii hore sheegayay in Milan ay heshiiska ku dareeyso Alessio Romagnoli, balse warkaasi wuxuu noqday mid aan isa soo tarin.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close