AC Milan oo doonaysa inay saxdo khalad ay horay u gashay! (€60m oo ay ku raadinayso Aubameyang)

(Milano) 13 Luulyo 2017 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay dib ugu laabatay qannaaska kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Rossoneri ayaa aad loola xiriirinayay laacibkeedii hore horraantii xagaagan, balse waxaa kasoo dhex gashay kooxda Tianjin Quanjian ee ka dheesha Chinese Super League oo laacibka ku raadinaysay €80m, iyo mushahar waalan oo uu €30m sanadkii ku qaadan lahaa.

Yeelkeede, shuruuc cusub oo lagu xadidayo mushaharaadka laacibiinta ayaa kasoo baxay Shiinaha kaasoo hakad geliyay heshiiska, waxaa kale oo Milan anfacaysa in suuq-xagaaga Shiinuhu uu berri xirmayo, sidaa darteed Gazzetta dello Sport ayaa rumaysan in Aubameyang kusoo noqonayo xeebaha Talyaaniga haddii uusan Shiinaha aadin.

Kooxda Milan ayaa lafteedu berri u duulaysa Shiinaha iyadoo kaaga darane Borussia Dortmund kula ciyaaraysa magaalada Guangzhou ee dalkaasi Shiinaha Luulyo 18, taasoo siinaysa fursad ay kula xaajoodaan Borussia oo ay diyaar ula yihiin €60m oo euro.

Kooxda AC Milan ayaa sidoo kale ka faa’iidaysanaysa inuu laacibkani ka mid ahaan jirey da’yarteeda, iyagoo doonaya inay aabihii oo dalbanaya €12 milyan oo euro ku qanciyaan inay laacibka sanadkii siiyaan €7.5m oo euro, taasoo ka dhigaysa laacibka ugu mushaharka badan Serie A.

AC Milan ayaa 6 sano ka hor laacibkan oo ka tirsanaa da’yarteeda ku iibisey €1m oo euro oo qura iyadoo aan hadda hubin inay xitaa 60m ku keensan karto.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close