RASMI: Douglas Costa oo ku biiray kooxda Juventus + Sawirro & Muuqaal (Lambarka uu qaatay)

(Torino) 12 Luulyo 2017 – Juventus ayaa si rasmi ah ula saxiixatay garab-weerarka Douglas Costa oo ay kusoo qaateen 2 sano oo amaah iyagoo Bayern Munich farta ka saaraya €46m 2018 haddii uu laacibku buuxiyo shuruudaha lagu heshiiyay.

Sida uu wararku sheegayaan, amaahda ayaa sanadka 1-aad ah €6m taasoo lagu darayo €40m oo gadaal kaga bixinayo sida lagu heshiiyay.

“Wuxuu ahaa wada xaajood togane ah oo aannu la yeelanay maareeyayaasha Juventus. Dhamaanba baahiyihii dhaqaale ee FC Bayern waa la qanciyay,” ayuu yiri guddoomiyaha kooxdaas ee Karl-Heinz Rummenigge.

28-jirkan reer Brazil ayaa caafimaadka saaka ku maray xarunta J Medical ee kooxda Juve isagoo kooxdiisa cusub u qaadan doona lambar 11.

b b1 b2 b3 b4 b5

B1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close