DAAWO: ”Marna shaki igama gelin inaan Milan sii joogayo” – Donnarumma oo raalli geliyay taageerayaasha Milan + Sawirro

(Milano) 12 Luulyo 2017 – Gianluigi Donnarumma ayaa raalli gelin siiyay taageerayaasha AC Milan isagoo ugu dambayntii shalay saxiixay qandaraas rasmi ah oo taxnaanaya 2021 oo uu sanadkii ku qaadanayo 6 milyan oo euro.

Donnarumma ayaa sidaa kusoo afjaray dooddii ka soconaysay warbaahinta ee qaar badan oo ka tirsan isaga lagu shidanayay iyadoo qabtahani uu caddeeyay inuusan marna ”gabin” taageerayaasha Rossoneri.

“Aad baan ugu faraxsan ahay waana ku faanayaa Milan,” ayu ka yiri shir jaraa’id oo ay maanta wada qabteen Marco Fassone, iyo maareeyaha ciyaaraha ee Massimiliano Mirabelli iyo walaalkii Antonio, oo kusoo laabtay Milan.

“Waxaan ku dhashay oo la igu koriyay naadigan, sidaa darteed, marna shaki iigama jirin inaan joogayo, waana ka xumaya taageerayaashoow, balse waan ku celinayaaye, marna inaan idin gabo kuma talo jirin.” ayuu raaciyay.

“Waa inaan idiinka mahad celiyaaa taageerada aad ii muujiseen labadii sanee ugu dambeeyay.” ayuu yiri Donnarumma.

b b1 b2 b3 b5 b8

B
B B1 B2 B4 B5 B6 B7 B8 B9 B11 B12
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close