Man Utd oo u deg degeysa soo afjaridda heshiiska Ivan Perišić (Dalabka oo ay kordhisey)

(Manchester) 12 Luulyo 2017 – Kooxda Manchester United ayaa sare u dhigtay dalabka ay ku doonayso garabka kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic, iyadoo uu Daily Mail qirayo in United ay markan ku kalsoon tahay inay soo qaadan karto Perisic kaddib markii ay hantisay Romelu Lukaku oo malaayiin ku tegey Old Trafford.

Perisic ayaa haatan la tababaranaya kooxda Inter oo ku jirta is diyaarinta kal-horaadka Riscone di Brunico iyadoo ay United doonayso inay heshiiska soo afjarto kahor inta aysan kooxda reer Talyaani u amba bixin China todobaadka soo aaddan.

Inter ayaa Perisic ku qiimaysa £48 milyan oo gini kumana faraxsanaha halka ay United gorgorinta ka bilowday oo ah £36m ilaa £39m, waxaase la filayaa inay gaarsiiyaan £45m si ay u helaan 28-jirkan reer Croatia oo ay Man U ka dhiganayso laacibkeedii 3-aad ee qaali ah xagaagan.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close