”Waan ku faraxsanahay inaad dib ugu soo laabtay naadigii aan jeclaa” – Rooney + Sawirro & muuqaal

(Liverpool) 09 Luulyo 2017 – Wayne Rooney ayaa aad ugu farxay ku guryo noqoshadiisa Everton kaddib markii uu weerarkii hore ee Manchester United uu maanta dib ugu laabtay Goodison Park.

Wuxuu ka tegayaa United oo uu u yahay gooldhaliyaha 1-aad kaddib markii uu shabaqa taabsiiyay 253 gool, isla markaana uu la hantay 12 koob oo waawayn oo ay ku jiraan 5  Premier League iyo Champions League.

Balse Rooney, Everton waxay mar kasta u ahayd koox qalbigiisa ku taalla maaddaama ay tahay kooxdii uu kusoo baxay isagoo 16-jir ah, wuxuuna u sheegay TV-ga Toffees:

“Waxaan dareemayaa farxad. Daacaddii – 13 sano ayaan la aamusnaa – balse haatan waxaan carruurtayda la xiranayaa bijaamooyinka Everton aniga iyo carruurteeydu!”.

 b b1 b2 b4 b5

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close