Kooxda AC Milan oo suuq-jiilaalka Jannaayo doonaysa Luka Modric haddii…

(Milano) 09 Luulyo 2017 – Kooxda AC Milan ayaa doonaya inay Luka Modric kasoo qaataan Real Madrid, marka la gaaro suuq-jiilaalka haddii ay dhacdo inuu boos ka waayo kooxdiisa.

Sida ku dhisan warsidaha reer Spanish ee AS, kooxda Rossoneri ayaa isha ku haysa laacibka waaya aragga ah oo 32 jirsanaya bisha Sebtember, waloow aysan Real Madrid ku tala jirin inay iibiso isna uusan doonayn inuu tago.

Yeelkeede, xaaladdu way is bedeli kartaa haddii uu 6-da bilood ee ugu horreeya uu boos joogta ah waayo laacibkan caalamiga ah ee reer Croatia.
Marka ay halkaa joogto, AC Milan ayaa u diyaar ah inay albaabada u garaacdo laacibkii hore ee Tottenham Hotspur iyo Dinamo Zagreb, oo fasalkii tegey 1 gool u dhaliyay, 5 kalena dhifay 41 kulan oo uu u saftay Real Madrid.
b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close