Arsenal oo lacag rikoodh jebis ah ku raadinaysa Lemar

(London) 09 Luulyo 2017 – Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa inay diyaar u tahay inay lacag badan u quurto garabka AS Monaco ee Thomas Lemar.

Warsidaha Daily Mail ayaa sheegaya in Arsenal ay diyaar u tahay inay jebiso rikoodhkeedii hore ee 2013 suuqa kala iibsiga iyadoo £45m oo gini ku doonaysa garabka Monaco ee Lemar si ay u muujiyaan inay ka dhab tahay raadinta horyaalka Premier League

Lacagtaas ayaa xitaa gaari karta £50m marka bareemiyada lagu daro, taasoo lacagta ay Gunners bixisay bisha Luulyo oo qura ka dhigaysa £100m oo gini, kaddib markii ay £52.7m oo gini soo siisteen Alexandre Lacazette oo ay todobaadkii tegey kasoo qaateen Lyon.

Arsenal, ayaa waxaa rikoodhkeeda kahor Lacazette haystay Mesut Ozil oo £42m kaga yimi Real Madrid sanaddii 2013, iyadoo Isniinta wixii ka bilowda u howlgeleysa helitaanka Lemar.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close