”Waa inaan xadaynaa misaaniyadda & mushaharooyinka ay bixiyaan kooxuhu” – UEFA oo ku dheggan kooxaha waawayn

(Zurich) 01 Luulyo 2017 – Madaxwaynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in la dhaqan geliyo qorshe cusub “oo lagu xakamaynayo mushaharaadka ay kooxuhu bixiyaan” si dheelliga looga saaro kooxaha oo ay qaarkood aad u taajireen qaarna ay faqrinayaan.

Ninkan oo la hadlayay warsidaha Slovenian-ka ah ee Mladina, ayaa sheegay in hannaanka dhaqaale wanaagga loo yaqaanno Financial Fair Play uusan ku fillayn balse uu ujeedku yahay in mar kale tillaabo ka qaadaan kooxaha waawayn.

“Waa inaannu isu diyaarinnaa sidii aannu mustaqbalka ku dhaqan gelin lahayn qorshe lagu xakamaynayo miisaaniyadda, gunnooyinka iyo mushaharooyinka ay kooxuhu bixiyaan.” ayuu yiri Ceferin oo ujeedkiisu yahay in wax laga qabto kooxaha qaarkood oo lacago aad u badan siiya laacibiinta.

President of the Football Association of Slovenia and candidate for the UEFA presidency Aleksander Ceferin delivers a speech before the election for the new UEFA President in Athens, Greece September 14, 2016. REUTERS/Alkis Konstantinidis

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close