Wakiilka Antonio Rüdiger oo London u tegaya si uu Chelsea ula xaajoodo

(London) 30 Juunyo 2017 – Kooxda Chelsea ayaa wada hadallo cusub la furtay daafaca kooxda AS Roma ee Antonio Rudiger.

Khabiirka suuqa kala iibsiga Talyaaniga ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegaya in Rudiger walaalkii oo sidoo kale wakiilkiisa ah Sahr Senesie uu ku wajahan yahay London si uu ula xaajoodo Chelsea.

Chelsea ayaa horay usoo bandhigtay dalab ku kacaya £30milyan oo gini, balse wax bareemiyo ah oo dheeraad ah weli lagama wada hadlin, iyadoo ay tani tahay isku daygii 2-aad maaddaama ay xagaagii hore ku fashilmeen kaddib markii uu dhaawacmay kahor Euro 2016.

Rudiger ayaa Roma kaga soo biiray Stuttgart sanaddii 2015 isagoo ilaa markaa saftay 72 oo uu xirnaa funaanadda Roman-ka.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close