AC Milan oo qarka u saaran inay qaadato kubad qaabeeyaha Hakan Çalhanoğlu

(Leverkusen) 30 Juunyo 2017 – Imaanshiyaha Fabio Borini ma cajabinin taageerayaasha AC Milan si la mid ah Hakan Calhanoglu oo ay Milan ka doonayo Bayer Leverkusen, waloow uusan lacag badan ugu kicin.

Naadiga Via Aldo Rossi ayaa durba heshiis kula jirta laacibka, balse waxa dhimani waa inay khidmadda isku fahmaan kooxda reer Jarman oo dalbanaysa 30 milyan halka ay Rossoneri diyaar la tahay 25 milyan oo euro, balse rajadu aad bay u wanaagsan tahay iyadoo maalmaha yar ee soo aaddan la quud darraynayo inuu heshiis dhici doono.

Calhanoglu oo asal ahaan u dhashay Turkiga, balse sita baasaboorka Jarmanka maaddaama uu dalkaasi ku dhashay ayaa ah nin tayo badan kusoo kordhin kara waaxda hal abuurka iyo gool dhalinta oo ka mid ah meelaha ay ka dilnayd Milan.

Sida uu qorayo Sky Sport Massimiliano Mirabelli, ayaa aaminsan inuu heshiisku dhow yahay, halka Premium Sport uu sheegayo inuu heshiisku dhow yahay oo uu xitaa dhici karo todobaad dhamaadkan.

 b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close