David de Gea oo doon doonaya qaab uu ugu biiro Real Madrid

(Manchester) 29 Juunyo 2017 – Qabtaha Manchester United ee David de Gea ayaa weli rajo ka leh inuu ku biiro kooxda Real Madrid, waloow uu khabiirka Spanish-ka ah ee Pipi Estrada uu sheegayo inaysan u badnayn in De Gea uu xagaagan ka dhaqaaqo kooxdiisa.

Estrada ayaa sheegay in goolwalaha reer Spain uu xog Real ku saabsan waydiiyay – isagoo maraya wakiilka Jorge Mendes – todobaaskan, kaddibna uu wakiilku arrinta hor dhigay Maareeyaha Guud ee Real ee José Ángel Sánchez iyadoo uu Sanchez codsaday in loo dulqaato maaddaama aanay weli qaadanin go’aan rasmi ah sida ku qoran El Chiringuito.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close