DAAWO: Dhakhaatiir iyagoo qalliin ku jira daawanayay ciyaartii Portugal-Chile

(Santiago) 29 Juunyo 2017 – Marka ay timaaddo kubadda cagta xaalku caadi ma aha, marka ay taagan tahay xulka qarankana haba ku darin waxaadna ka garan kartaa sheekadan.

Koobka qaaradaha ayaa waxaa nus-dhamaadkii 1-aad dheeley dalalka Portugal vs Chile taasoo ay rigoore kusoo baxday Chile, balse kulankaasi qiime wayn buu ugu fadhiyay dadka kubadda quura ee reer Chile.

Waxaa Twitter-ka lasoo dhigay muuqaal muujinaya dhakhaatiir qalliin ku jira oo misna ciyaartaasi daawanaya iyagoo la dabaal degaya gool kasta oo uu badbaadiyo goolwalaha Chile ee Pravo, waana arrin ay ay qayru masuulnimo ku tilmaameen dad badani maaddaama uu qalliinku yahay wax xasaasi ah oo feejignaan iyo dhiifoonaan badan u baahan.

Halkan ka daawo

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close