Barcelona oo baacsanaysa Ander Herrera kaddib markii….

(Barcelona) 29 Juunyo 2017 – Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ee Ander Herrera ayaa soo galay raadaarka kooxda Barcelona.

Warsidaha Sport ayaa qoraya in Herrera ay Barca u aragto mid ay uga maarmi karto laacibka €100 milyan lagu qiimeeyo ee PSG u safta ee Marco Verratti.

Laacibkan iskeemarka ah ayaa kubaddii ugu wanaagsanayd sida la yiri fasalkii tegey kusoo bandhigay kooxda United ee uu wato Jose Mourinho iyadoo xitaa loo saadiyay inuu fasalka soo socda noqdo kabtanka kooxda.

Yeelkeede, awoodda United ayaa tijaabo ku jirta maaddaama ay Barca laacibkan bartilmaameedsanayso haddii ay PSG u diiddo Verratti, waxaana laacibkan aad u doonaya macallinka cusub ee Barca jaalle Ernesto Valverde, oo ay soo wada shaqeeyeen waayihii Athletic Bilbao.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close