RASMI: Rick Karsdorp oo ku biiray kooxda AS Roma + Video (Maxime Gonalons oo Isniinta caafimaadka u maraya)

(Roma) 28 Juunyo 2017 – Rick Karsdorp ayaa si rasmi ah ugu biiray AS Roma isagoo Kevin Strootman uga mahad celiyay inuu ka caawiyay doorashada Roma, isagoo sheegay in lagu naynaaso ”tareenka” taasoo ay u sabab tahay isagoo aad u dheereeya.

Laacibkan oo horay uga dheeli jirey weerarka ayaa haatan ka ciyaara dadabka midig wuxuuna Feyenoord uga soo wareegey €14m oo lagu daray €5m oo bareemiyo ah.

“Aragtidayda 1-aad waxay ahayd mid wanaagsan, magaaladan hadda hor baan asxaab 3 maalmood isla joogney 6 bilood kahor waana ka helay, haddana 2 maalmood baan joogaa waana ku faraxsanahay,” ayuu Karsdorp ku yiri Roma TV iyo asroma.com.

Dhanka kale, Maxime Gonalons ayaa isna maalinta Isniinta ku biiri doona AS Roma si uu caafimaadka u maro, sida uu xaqiijiyay wakiilkiisu, isagoo €5m uga imanaya Olympique Lyonnais.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close