Fabio Borini oo caawa fiidkii kasoo degaya Milano (Aminta oo la shaaciyay)

(Milano) 28 Juunyo 2017Fabio Borini, oo u ciyaarayay Sunderland, ayaa warka hadda Gool FM soo gaarayaa wuxuu sheegayaa inuu soo caga dhigan gegada caalamiga ah ee Malpensa saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 18:10.

Borini ayaa caawa seexanaya Milano si uu berri subixii iskaga xaadiriyo Clinica La Madonnina oo uu caafimaadka ku marayo.

Laacibkii hore ee Swansea, Roma iyo Liverpool ayaa mar kale dib ugusoo laabanaya Talyaaniga isagoo dib ula midoobaya Alessio Romagnoli iyo Suso, waxayna Milan soo siisatay 6 milyan oo euro si uu kayd ugu noqdo garbaha Milan.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close