Arsenal oo safkeeda kusoo biirinaysa Riyad Mahrez (Qandaraas ay u diyaarisay)

(London) 28 Juunyo 2017 – Kooxda Arsenal ayaa qandaraas 4 sanadood ah miiska usoo saartay laacibka ka socda Leicester City ee Riyad Mahrez.

Sport ayaa qoraya in Mahrez uu ka quustay riyadiisii ahayd inuu ku biiro kooxda Barcelona sidaa daraadeedna uu haatan door bidayo Gunners, iyadoo la aaminsan yahay inay kooxda Emirates u diyaarisay qandaraas 4 sano ah.

Mahrez ayaa horay loola xiriirinayay inuu ku biirayo Arsenal, balse wuxuu markii dambe bishii Agoosto uu heshiis 4 sano ah qalinka kula aasay kooxda King Power Stadium.

Jookarkan 26-jirka ah ayaa sanadkii 2016 noqday PFA Player, isagoo ku mutaystay qaybtii libaax ee uu ka qaatay guushii ka yaabisada ahayd ee ay Leicester ku hanatay taajka Premier League, isagoo xagaagan ku dhawaaqay inuu tegayo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close