Qoyska Donnarumma oo wiilkooda ku boorrinaya inuu Milan lasii joogo! (Rajada qandaraas cusub oo xoogaysatey)

(Krakow) 27 Juunyo 2017 – Qoyska Gianluigi Donnarumma ayaa lasoo sheegayaa inay wiilkooda ku boorrinayaan inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda uu kusoo barbaaray ee AC Milan.

Goolwalahan ayaa markii hore diidey inuu qandaraaska cusboonaysiiyo, balse waxaa haatan jirta kalsooni isa soo tareeysa oo ku aaddan inuu aragtidaa bedeli doono iyadoo uu wakiilkiisa Mino Raiola uu xaqiijiyay inuu kulan la qaadan doono Rossoneri todobaadka soo aaddan, halka Vincenzo Montella oo si gaar ah ula kulmay qoyska goolwaluhu uu “sheegay inuu u mudan yahay in la yara sugo”.

Waxaa intaa dheer, maareeyaha suuqa ee Massimiliano Mirabelli oo sheegay inuu shakhsiyan ku kalsoon yahay inuu qandaraas cusub saxiixi doono Donnarumma, waxaana haatan Gazzetta dello Sport, ku qoran in qoyska wiilku ay kula taliyeen inuu qandaraaska kordhiyo iyadoo aabihii Alfonso oo arrimahaa u tegey Poland uu caawa Krakow ku daawan doono ciyaarta nus-dhamaadka under-21 Yurub.

Hal caqabad ayaa waxay tahay Mirabelli iyo Raiola oo aan isku fiicnayn, taasoo ka dhigan inay kulmi doonaan Marco Fassone iyo Raiola si xiisad looga fogaado.

AC Milan's goalkeeper Gianluigi Donnarumma gestures during the Italian Serie A football match Juventus Vs AC Milan on March 10, 2017 at the 'Juventus Stadium' in Turin.   / AFP PHOTO / Marco BERTORELLO
AC Milan’s goalkeeper Gianluigi Donnarumma gestures during the Italian Serie A football match Juventus Vs AC Milan on March 10, 2017 at the ‘Juventus Stadium’ in Turin. / AFP PHOTO / Marco BERTORELLO

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close