HESHIIS DHACAY: Xiddig-yaraha Ethan Galbraith oo todobaadkan Man United ku biiraya!

(Manchester) 27 Juunyo 2017 – Laacib-yaraha Northern Ireland ee Ethan Galbraith ayaa u diyaar ah inuu ku biiro kooxda Manchester United todobaad dhamaadkan, iyadoo uu raacahan khadka dhexe oo u safta County Antrim, Northern Ireland, oo Jannaayo u duulay Manchester si uu u saxiixo qandaraas hor dhac ah ayaa haatan dhamaystiraya.

Galbraith, of Linfield, ayaa ku yiri Irish Mirror: “Waxaan dhowr tijaabo maray sanadkii tegey, waana ku baasay waayo United waxay iisoo bandhigtay qandaraas-horaad bishii Jannaayo.”

“Waxaan dheeley dhowr kulan oo saaxiibtinimo, waxaan u safan doonaa Under 18-ka, balse ujeedkaygu waa inaan kasoo muuqdaa kooxda waawayn.” ayuu daba dhigay wiilkan yar oo aad u xiisaynaya inuu kasoo muuqdo Man Utd.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close