SAWIRRO: Arsene Wenger oo doonaya inuu Kylian Mbappe kusoo xera geliyo qaabkii Henrey! (Qoykiisa oo uu la xiriirey)

(London) 27 Juunyo 2017Macallinka Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si joogto ah la sheegay inuu ula xiriirayo qoyska qannaas-yaraha AS Monaco ee Kylian Mbappe.

Real Madrid, Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ayaa kulligood lala xiriirinayay xiddig-yarahan xariifka ah ee Mbappe, iyadoo uu weriyaha BBC ee Marc Ashdown, uu sheegayo in macallinka Arsenal uuba tillaabo dheeri ah qaadayo isagoo waqti ku luminaya barashada qoyska Mbappe.

Wuxuu tweet gareeyay: “Qof ku dhow dhow naadiga Gunners ayaa ii sheegay in Wenger ‘uu ku milmay qoyska Mbappe’ weliba qaab aan la arag tan iyo waagii Thierry [Henry].”

Taageere Arsenal ah oo aan warkan u bogsanayn baa ugusoo jawaabey: “Haddaan daacad hadlo waxaan la yaabay lacagta lagu doonayo iyo RM [Real Madrid] oo hardanka ku jirta.

“Haddii ay dhacdase waa yaa heli kara.”

b

b1 b2

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close