Mourinho oo ay ka go’antahay soo xerogalinta Jordi Alba

Image result for jordi alba man utd

(Manchester) 24 Juunyo 2017 Tababare Jose Mourinho ayaa awoodiisa isugu geynaya soo xerogalinta daafaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba.

ESPN ayaa daaha ka qaaday in tababare Jose Mourinho uu doonayo inuu soo xerogaliyo 28 jirka daafaca uga ciyaara Barcelona suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Image result for jordi alba man utd

Mourinho ayaa doonaya in Jordi Alba uu ku xaliyo daaficiisa bidix xiliciyaareedka cusub, laakiin wuxuu dareensanyahay inay aad u adagtahay inuu la soo wareego laacibka reer Spain.

Jordi Alba ayaa kula jira kooxdiisa Barcelona heshiis dhacaya 2020, lamana hubo in tababaraha cusub ee Barcelona uu ku tiirsanaan doono daaficiisa.

Alba xiriir fiican kalama dhexeyn tababare Luis Enrique, wuxuuna intabadan u badnaa kursiga keydka xiliciyaareedkii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close