Messi oo albaabka u furay u dhaqaaqida horyaalka shiinaha

Image result for Messi China

(Barcelona) 24 Juunyo 2017 Lionel Messi ayaa albaabka u furay u dhaqaaqida horyaalka shiinaha mustaqbalka inkasta oo haatan uu ku faraxsanyahay kooxdiisa Barcelona.

Qandaraaska laacibka reer Argentina ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareedka dambe, laakiin kooxda ayaa u soo bandhigtay heshiis ku eg ilaa 2022, waxaana la filayaa inuu saxiixo goor dhaw.

Messi ayaa sheegay inuu marwalba ku riyoodo sii joogista kooxdiisa Barcelona laakiin wuxuu intaa ku daray in taasi aysan ka hor istaagi doonin inuu u dhaqaaqo horyaalka shiinaha.

“Sii joogida Barcelona waa waxa ugu badan ee aan jeclahay oo aan ku riyoodo, marwalba waxaan iraahdaa waxaan doonayaa inaan sii joogo Camp Nou” ayuu yiri Messi.

“Laakiin taas micnaheedu ma ahan inaysan suurogal ahayn inaan u dhaqaaqo Shiinaha” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close