Manchester United oo dib ugu soo laabatay xiisaha Renato Sanches

Image result for Renato Sanches

(Manchester) 24 Juunyo 2017 Kooxda Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay doonista laacibka Bayern Munich ee Renato Sanches.

Sida ay baahisay Mirror, tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu kooxdiisa ku xoojiyo xaggaagan laacibka ay isku dalka yihiin ee Renato Sanches.

19 jirkaan ayaa ku dhibtooday la qabsiga kooxda Bayern Munich xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay, wuxuuna ka soo muuqday oo kaliya 25 kulan tartamada oo dhan.

Bayern Munich ayaana hoos u dhigtay qiimaha lagu heli karo Renato Sanches, kooxda reer jarmal ayaana ku wargalisay dhamaan kooxaha doonaya laacib kaan inay miiska soo saaraan lacag dhan 23 milyan oo Ginni.

United ayaa loolan ku aadan Renato Sanches kala kulmaysa kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close