”Juventus sidii la rabey Talyaaniga uguma metesho Yurub waana koox la iska garaaco” – Esteban Cambiasso

(Beunos Aires) 23 Juunyo 2017 – Esteban Cambiasso ayaa Juventus ku dhaliilay inay ku dheelaan metelaadda Talyaaniga markii ay timaaddo Yurub maaddaama ay yihiin “kooxda qura ee ay final-ka Champions League uga badiyaan kooxaha Spanish-ku”.

Cambiasso ayaa 2009-10 Champions League la qaaday Inter, taasoo ay ku jirtey inay Barcelona ku garaaceen semi-final-ka, iyadoo 2 final oo xiriir ah ay Juve ka kala qaadeen Barca iyo Real Madrid.

“In kooxaha Talyaanigu ay yar yar u muuqdaan dhanka Italian dhamaadyada Champions League marka ay wajahayaan kooxaha Spanish-ku run miyaa? Maya sidaa ma aha, taasi run ma aha,” ayuu u sheegay Marca.

“Kooxda qura ee Talyaani ah ee ay Spanish-ku ku garaacaan finals-ka waa kooxda  Juventus. Inter mar bay ciyaartay wayna ka badisay, Milan sidoo kale dhowr mar bay ka badisay.” ayuu ku dooday.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close